الصافات

تفسير سورة الصافات

الترجمة الصومالية

Soomaaliga

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني القرآن الكريم للغة الصومالية ترجمها الشيخ محمد أحمد عبدي عام الطبعة 1412هـ. ملاحظة: ترجمات بعض الآيات (مشار إليها) تم تصويبها بمعرفة مركز رواد الترجمة، مع إتاحة الاطلاع على الترجمة الأصلية لغرض إبداء الرأي والتقييم والتطوير المستمر.

﴿بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ وَالصَّافَّاتِ صَفًّا﴾

(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan. (1)

﴿فَالزَّاجِرَاتِ زَجْرًا﴾

Iyo tan kaxaysa daruuraha. (2)

﴿فَالتَّالِيَاتِ ذِكْرًا﴾

Iyo tan akhrida Quraanka. (3)

﴿إِنَّ إِلَٰهَكُمْ لَوَاحِدٌ﴾

Ee ilaahiin waa mid (qudha). (4)

﴿رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ الْمَشَارِقِ﴾

Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda. (5)

﴿إِنَّا زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِزِينَةٍ الْكَوَاكِبِ﴾

Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. (6)

﴿وَحِفْظًا مِنْ كُلِّ شَيْطَانٍ مَارِدٍ﴾

Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag. (7)

﴿لَا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِنْ كُلِّ جَانِبٍ﴾

Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. (8)

﴿دُحُورًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ﴾

Iyagoo la eryi oo cadaab joogta ah usugnaaday. (9)

﴿إِلَّا مَنْ خَطِفَ الْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُ شِهَابٌ ثَاقِبٌ﴾

Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. (10)

﴿فَاسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمْ مَنْ خَلَقْنَا ۚ إِنَّا خَلَقْنَاهُمْ مِنْ طِينٍ لَازِبٍ﴾

Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta. (11)

﴿بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ﴾

Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi. (12)

﴿وَإِذَا ذُكِّرُوا لَا يَذْكُرُونَ﴾

Marka la waaniyana ma waantooban. (13)

﴿وَإِذَا رَأَوْا آيَةً يَسْتَسْخِرُونَ﴾

Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan. (14)

﴿وَقَالُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُبِينٌ﴾

Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. (15)

﴿أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ﴾

Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. (16)

﴿أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ﴾

Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin). (17)

﴿قُلْ نَعَمْ وَأَنْتُمْ دَاخِرُونَ﴾

Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. (18)

﴿فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنْظُرُونَ﴾

Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. (19)

﴿وَقَالُوا يَا وَيْلَنَا هَٰذَا يَوْمُ الدِّينِ﴾

Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta. (20)

﴿هَٰذَا يَوْمُ الْفَصْلِ الَّذِي كُنْتُمْ بِهِ تُكَذِّبُونَ﴾

Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen. (21)

﴿۞ احْشُرُوا الَّذِينَ ظَلَمُوا وَأَزْوَاجَهُمْ وَمَا كَانُوا يَعْبُدُونَ﴾

Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. (22)

﴿مِنْ دُونِ اللَّهِ فَاهْدُوهُمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْجَحِيمِ﴾

Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. (23)

﴿وَقِفُوهُمْ ۖ إِنَّهُمْ مَسْئُولُونَ﴾

Joojiyana waxbaa la waydiine. (24)

﴿مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ﴾

(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin. (25)

﴿بَلْ هُمُ الْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ﴾

Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen. (26)

﴿وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ﴾

Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. (27)

﴿قَالُوا إِنَّكُمْ كُنْتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ الْيَمِينِ﴾

Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). (28)

﴿قَالُوا بَلْ لَمْ تَكُونُوا مُؤْمِنِينَ﴾

Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. (29)

﴿وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُمْ مِنْ سُلْطَانٍ ۖ بَلْ كُنْتُمْ قَوْمًا طَاغِينَ﴾

Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. (30)

﴿فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَا ۖ إِنَّا لَذَائِقُونَ﴾

Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). (31)

﴿فَأَغْوَيْنَاكُمْ إِنَّا كُنَّا غَاوِينَ﴾

Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn. (32)

﴿فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِي الْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ﴾

Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi. (33)

﴿إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِالْمُجْرِمِينَ﴾

Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha. (34)

﴿إِنَّهُمْ كَانُوا إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ﴾

Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. (35)

﴿وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُو آلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَجْنُونٍ﴾

Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan. (36)

﴿بَلْ جَاءَ بِالْحَقِّ وَصَدَّقَ الْمُرْسَلِينَ﴾

Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray). (37)

﴿إِنَّكُمْ لَذَائِقُو الْعَذَابِ الْأَلِيمِ﴾

Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya). (38)

﴿وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ﴾

Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. (39)

﴿إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ﴾

Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan). (40)

﴿أُولَٰئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَعْلُومٌ﴾

Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). (41)

﴿فَوَاكِهُ ۖ وَهُمْ مُكْرَمُونَ﴾

Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. (42)

﴿فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ﴾

Jannooyinka Naciima. (43)

﴿عَلَىٰ سُرُرٍ مُتَقَابِلِينَ﴾

Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. (44)

﴿يُطَافُ عَلَيْهِمْ بِكَأْسٍ مِنْ مَعِينٍ﴾

Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). (45)

﴿بَيْضَاءَ لَذَّةٍ لِلشَّارِبِينَ﴾

Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi. (46)

﴿لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنْزَفُونَ﴾

Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). (47)

﴿وَعِنْدَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ عِينٌ﴾

Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowrsoon oo indha waaweyn. (48)

﴿كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَكْنُونٌ﴾

Ood moodo ukun la dhowray. (49)

﴿فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ﴾

Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin. (50)

﴿قَالَ قَائِلٌ مِنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ﴾

Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiib. (51)

﴿يَقُولُ أَإِنَّكَ لَمِنَ الْمُصَدِّقِينَ﴾

Wuxuu Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (52)

﴿أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَدِينُونَ﴾

Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. (53)

﴿قَالَ هَلْ أَنْتُمْ مُطَّلِعُونَ﴾

Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. (54)

﴿فَاطَّلَعَ فَرَآهُ فِي سَوَاءِ الْجَحِيمِ﴾

Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. (55)

﴿قَالَ تَاللَّهِ إِنْ كِدْتَ لَتُرْدِينِ﴾

Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). (56)

﴿وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّي لَكُنْتُ مِنَ الْمُحْضَرِينَ﴾

Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (57)

﴿أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ﴾

(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. (58)

﴿إِلَّا مَوْتَتَنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ﴾

Geerideenii hore mooyee Ma nihin kuwo la cadaabayo. (59)

﴿إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ﴾

Taasina waa uun liibaanta wayn. (60)

﴿لِمِثْلِ هَٰذَا فَلْيَعْمَلِ الْعَامِلُونَ﴾

Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. (61)

﴿أَذَٰلِكَ خَيْرٌ نُزُلًا أَمْ شَجَرَةُ الزَّقُّومِ﴾

Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd). (62)

﴿إِنَّا جَعَلْنَاهَا فِتْنَةً لِلظَّالِمِينَ﴾

Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. (63)

﴿إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِي أَصْلِ الْجَحِيمِ﴾

Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo. (64)

﴿طَلْعُهَا كَأَنَّهُ رُءُوسُ الشَّيَاطِينِ﴾

Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan. (65)

﴿فَإِنَّهُمْ لَآكِلُونَ مِنْهَا فَمَالِئُونَ مِنْهَا الْبُطُونَ﴾

Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha. (66)

﴿ثُمَّ إِنَّ لَهُمْ عَلَيْهَا لَشَوْبًا مِنْ حَمِيمٍ﴾

Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran. (67)

﴿ثُمَّ إِنَّ مَرْجِعَهُمْ لَإِلَى الْجَحِيمِ﴾

Markaas waxay ku noqon jaxiimo. (68)

﴿إِنَّهُمْ أَلْفَوْا آبَاءَهُمْ ضَالِّينَ﴾

Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah. (69)

﴿فَهُمْ عَلَىٰ آثَارِهِمْ يُهْرَعُونَ﴾

Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi. (70)

﴿وَلَقَدْ ضَلَّ قَبْلَهُمْ أَكْثَرُ الْأَوَّلِينَ﴾

Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. (71)

﴿وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا فِيهِمْ مُنْذِرِينَ﴾

Waxaana udiraydhexdooda udigayaal. (72)

﴿فَانْظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُنْذَرِينَ﴾

Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay. (73)

﴿إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ﴾

Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). (74)

﴿وَلَقَدْ نَادَانَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ الْمُجِيبُونَ﴾

Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. (75)

﴿وَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ﴾

Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). (76)

﴿وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُ هُمُ الْبَاقِينَ﴾

Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun. (77)

﴿وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ﴾

Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). (78)

﴿سَلَامٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِي الْعَالَمِينَ﴾

NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. (79)

﴿إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ﴾

Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka. (80)

﴿إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ﴾

Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). (81)

﴿ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ﴾

Markaasaan maanshaynay kuwii kale, (82)

﴿۞ وَإِنَّ مِنْ شِيعَتِهِ لَإِبْرَاهِيمَ﴾

Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. (83)

﴿إِذْ جَاءَ رَبَّهُ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ﴾

Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). (84)

﴿إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَاذَا تَعْبُدُونَ﴾

Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. (85)

﴿أَئِفْكًا آلِهَةً دُونَ اللَّهِ تُرِيدُونَ﴾

Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. (86)

﴿فَمَا ظَنُّكُمْ بِرَبِّ الْعَالَمِينَ﴾

Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. (87)

﴿فَنَظَرَ نَظْرَةً فِي النُّجُومِ﴾

Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. (88)

﴿فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٌ﴾

Wuxuuna yidhi waan bukaa. (89)

﴿فَتَوَلَّوْا عَنْهُ مُدْبِرِينَ﴾

Markaasay katageen kana jeedsadeen. (90)

﴿فَرَاغَ إِلَىٰ آلِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ﴾

Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. (91)

﴿مَا لَكُمْ لَا تَنْطِقُونَ﴾

Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin. (92)

﴿فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًا بِالْيَمِينِ﴾

Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay (93)

﴿فَأَقْبَلُوا إِلَيْهِ يَزِفُّونَ﴾

Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay). (94)

﴿قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ﴾

Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). (95)

﴿وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ﴾

Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. (96)

﴿قَالُوا ابْنُوا لَهُ بُنْيَانًا فَأَلْقُوهُ فِي الْجَحِيمِ﴾

Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka). (97)

﴿فَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَسْفَلِينَ﴾

Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday). (98)

﴿وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهْدِينِ﴾

Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. (99)

﴿رَبِّ هَبْ لِي مِنَ الصَّالِحِينَ﴾

Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). (100)

﴿فَبَشَّرْنَاهُ بِغُلَامٍ حَلِيمٍ﴾

Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco. (101)

﴿فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ السَّعْيَ قَالَ يَا بُنَيَّ إِنِّي أَرَىٰ فِي الْمَنَامِ أَنِّي أَذْبَحُكَ فَانْظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَا أَبَتِ افْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِي إِنْ شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّابِرِينَ﴾

Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. (102)

﴿فَلَمَّا أَسْلَمَا وَتَلَّهُ لِلْجَبِينِ﴾

Markay hogaansameen oo u lagday wajiga. (103)

﴿وَنَادَيْنَاهُ أَنْ يَا إِبْرَاهِيمُ﴾

Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. (104)

﴿قَدْ صَدَّقْتَ الرُّؤْيَا ۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ﴾

Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. (105)

﴿إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْبَلَاءُ الْمُبِينُ﴾

Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn). (106)

﴿وَفَدَيْنَاهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ﴾

Waxaana ku furanay loog weyn (wan). (107)

﴿وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ﴾

Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame. (108)

﴿سَلَامٌ عَلَىٰ إِبْرَاهِيمَ﴾

Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. (109)

﴿كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ﴾

Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. (110)

﴿إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ﴾

Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. (111)

﴿وَبَشَّرْنَاهُ بِإِسْحَاقَ نَبِيًّا مِنَ الصَّالِحِينَ﴾

Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. (112)

﴿وَبَارَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَىٰ إِسْحَاقَ ۚ وَمِنْ ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِنَفْسِهِ مُبِينٌ﴾

Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya. (113)

﴿وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَارُونَ﴾

Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). (114)

﴿وَنَجَّيْنَاهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ﴾

Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. (115)

﴿وَنَصَرْنَاهُمْ فَكَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ﴾

Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). (116)

﴿وَآتَيْنَاهُمَا الْكِتَابَ الْمُسْتَبِينَ﴾

waxaana siinay Kitaabkii caddaa. (117)

﴿وَهَدَيْنَاهُمَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ﴾

Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan. (118)

﴿وَتَرَكْنَا عَلَيْهِمَا فِي الْآخِرِينَ﴾

Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). (119)

﴿سَلَامٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَارُونَ﴾

Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. (120)

﴿إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ﴾

Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, (121)

﴿إِنَّهُمَا مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ﴾

Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. (122)

﴿وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ﴾

Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. (123)

﴿إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَلَا تَتَّقُونَ﴾

Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). (124)

﴿أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ الْخَالِقِينَ﴾

Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. (125)

﴿اللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ﴾

Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. (126)

﴿فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ﴾

Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). (127)

﴿إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ﴾

Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). (128)

﴿وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ﴾

Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). (129)

﴿سَلَامٌ عَلَىٰ إِلْ يَاسِينَ﴾

Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. (130)

﴿إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ﴾

Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. (131)

﴿إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ﴾

Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. (132)

﴿وَإِنَّ لُوطًا لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ﴾

Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). (133)

﴿إِذْ نَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ﴾

Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. (134)

﴿إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ﴾

marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga. (135)

﴿ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ﴾

Ka dibna waxaan halaagnay intii kale. (136)

﴿وَإِنَّكُمْ لَتَمُرُّونَ عَلَيْهِمْ مُصْبِحِينَ﴾

Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga. (137)

﴿وَبِاللَّيْلِ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ﴾

Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin. (138)

﴿وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ﴾

Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). (139)

﴿إِذْ أَبَقَ إِلَى الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ﴾

Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday. (140)

﴿فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ الْمُدْحَضِينَ﴾

Oo uu qoriritay noqdayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). (141)

﴿فَالْتَقَمَهُ الْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ﴾

Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. (142)

﴿فَلَوْلَا أَنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ﴾

Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). (143)

﴿لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ﴾

Wuxuu kunagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka. (144)

﴿۞ فَنَبَذْنَاهُ بِالْعَرَاءِ وَهُوَ سَقِيمٌ﴾

Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. (145)

﴿وَأَنْبَتْنَا عَلَيْهِ شَجَرَةً مِنْ يَقْطِينٍ﴾

Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). (146)

﴿وَأَرْسَلْنَاهُ إِلَىٰ مِائَةِ أَلْفٍ أَوْ يَزِيدُونَ﴾

Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. (147)

﴿فَآمَنُوا فَمَتَّعْنَاهُمْ إِلَىٰ حِينٍ﴾

Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. (148)

﴿فَاسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ الْبَنَاتُ وَلَهُمُ الْبَنُونَ﴾

Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. (149)

﴿أَمْ خَلَقْنَا الْمَلَائِكَةَ إِنَاثًا وَهُمْ شَاهِدُونَ﴾

Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. (150)

﴿أَلَا إِنَّهُمْ مِنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ﴾

Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. (151)

﴿وَلَدَ اللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ﴾

(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan. (1)

﴿أَصْطَفَى الْبَنَاتِ عَلَى الْبَنِينَ﴾

Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. (153)

﴿مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ﴾

Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. (154)

﴿أَفَلَا تَذَكَّرُونَ﴾

Miyeeydaan wax xusuusaneyn. (155)

﴿أَمْ لَكُمْ سُلْطَانٌ مُبِينٌ﴾

Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. (156)

﴿فَأْتُوا بِكِتَابِكُمْ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ﴾

Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin. (157)

﴿وَجَعَلُوا بَيْنَهُ وَبَيْنَ الْجِنَّةِ نَسَبًا ۚ وَلَقَدْ عَلِمَتِ الْجِنَّةُ إِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ﴾

Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada). (158)

﴿سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ﴾

Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. (159)

﴿إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ﴾

Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan). (160)

﴿فَإِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ﴾

Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy). (161)

﴿مَا أَنْتُمْ عَلَيْهِ بِفَاتِنِينَ﴾

Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe. (162)

﴿إِلَّا مَنْ هُوَ صَالِ الْجَحِيمِ﴾

Marka laga reebo kuwagali jaxiimo. (163)

﴿وَمَا مِنَّا إِلَّا لَهُ مَقَامٌ مَعْلُومٌ﴾

Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. (164)

﴿وَإِنَّا لَنَحْنُ الصَّافُّونَ﴾

Waana safannahay (cibaado darteed). (165)

﴿وَإِنَّا لَنَحْنُ الْمُسَبِّحُونَ﴾

Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe). (166)

﴿وَإِنْ كَانُوا لَيَقُولُونَ﴾

Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. (167)

﴿لَوْ أَنَّ عِنْدَنَا ذِكْرًا مِنَ الْأَوَّلِينَ﴾

Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). (168)

﴿لَكُنَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ﴾

Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. (169)

﴿فَكَفَرُوا بِهِ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ﴾

Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). (170)

﴿وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا الْمُرْسَلِينَ﴾

Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). (171)

﴿إِنَّهُمْ لَهُمُ الْمَنْصُورُونَ﴾

In iyaga uun loo gargaari. (172)

﴿وَإِنَّ جُنْدَنَا لَهُمُ الْغَالِبُونَ﴾

Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), (173)

﴿فَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ﴾

Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (174)

﴿وَأَبْصِرْهُمْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ﴾

Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). (175)

﴿أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ﴾

Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. (176)

﴿فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمْ فَسَاءَ صَبَاحُ الْمُنْذَرِينَ﴾

Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. (177)

﴿وَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ﴾

Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (178)

﴿وَأَبْصِرْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ﴾

Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). (179)

﴿سُبْحَانَ رَبِّكَ رَبِّ الْعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ﴾

Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaamaan gaaladu (oo xun). (180)

﴿وَسَلَامٌ عَلَى الْمُرْسَلِينَ﴾

Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. (181)

﴿وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴾

Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah. (182)

الترجمات والتفاسير لهذه السورة: