البحث

عبارات مقترحة:

الظاهر

هو اسمُ فاعل من (الظهور)، وهو اسمٌ ذاتي من أسماء الربِّ تبارك...

الوهاب

كلمة (الوهاب) في اللغة صيغة مبالغة على وزن (فعّال) مشتق من الفعل...

الجبار

الجَبْرُ في اللغة عكسُ الكسرِ، وهو التسويةُ، والإجبار القهر،...

Siyaarada Masjidka Nabiga, Baraarujin iyo tusaalayn ruuxa Soo booqanaya

الصومالية - Soomaaliga

المؤلف Dr: C/laahi Naaji Almakhlaafi ، مركز رواد الترجمة
القسم كتب وأبحاث
النوع نصي
اللغة الصومالية - Soomaaliga
المفردات سورة الحج
Siyaarada Masjidka Nabiga, Baraarujin iyo tusaalayn ruuxa Soo booqanaya

التفاصيل

Siyaarada Masjidka Nabiga, Baraarujin iyo tusaalayn ruuxa Soo booqanaya Horudhac HORDHAC MEELAHA LA OGOL YAHAY IN LA BOOQDO BARAARUJIN IYO TOOSIN KU SOCOTA BOOQDAHA MASJIKA NABIGA SCW  Siyaarada Masjidka Nabiga, Baraarujin iyo tusaalayn ruuxa Soo booqanayaWaxaa Qoray (Curiyey):Dr: C/laahi Naaji AlmakhlaafiWaxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba, Dad iyo Duunyaba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro). HorudhacIlaahay ayaa mahad leh ka dhigay booqashada Masjidka Nabiga N.N.K.H. mid kamid ah kuwa ugu weyn ama ugu muhiimsan cibaadoyinka Illaah loogu dhawado, kana yeeley salaada lagu tukado masjidkan mid ka darajo badan masaajidada kale marka laga reebo Masjidka Xaramka Makah, waxa kale oo Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ahaatay Nabigeena Muxamed, isago ah midka ugu sharaf badan umada Illaahey, waxa kale oo nabad galyo iyo naxariisi ahaatey: Ehelkiisa, saxaabadiisa (kuwii rumeyey ee arkay), iyo cidii wanaag ku raacdayba dhamaantood ilaa iyo maalinta qiyaamo.intaa kadib:Waxaa i farax galinaya inaan soo bandhigo Kitaabkan uu qoray Dr: C/laahi Naaji Almikhlaafi, oo ah mid u qoran qaab sahlan si faahfahsana uga hadlaya mawduucan dhinacyadiisa muhiimka ah, ee ay waajibka tahay in uu ilaaliyo qofka raba inuu soo booqdo Masjidka Nabiga n.n.k.h.Wuxuu cadeeyay Booqashada sharciga waafaqsan iyo sida loo salaamayo Nabiga scw, iyo labadiisa Saaxiib-Allaha ka raali noqdee- iyo meelaha la booqanayo Madiina dhexdeeda ee masjidka ka baxsan.Waxa intaas dheer Tusaalooyin iyo baraarujin uu u baahan yahay qofka Booqanaya kuwan oo waafaqsan Caqiidada Saxda ah ee laga dhaxlay kuwii inaga horeyey ee ku dhaqmayey diinta sida saxda ah (salaf Al-saalix) kuwaas oo qiimo lahaa, caqiidadan oo ku dhisan Kitaabka iyo Sunada Nabiga N.N.K.H, Hadaba muhiimada uu leeyahay kitaabkani darteed iyo waxa kusoo arooreyba waxan ku dardaarayaa in la daabaco oo la badiyo, Allana waxaan waydiisanayaa inuu ku anfaco ruux walba oo akhriya.Farxad ayay ii tahay inaan si wayn ugu mahadceliyo Xukuumada Boqor Salmaan bin C/casiis iyo dhaxal sugihiisa Maxamed bin Salmaan Illaah ha xafido kuligoode, sida ay u daryeelayaan Labada Xaram ee shariifka ah, ugana haqab tirayaan dhamaan baahiya ay u baahan yihiin dadka cibaadada u imanaya.Sidoo kale waxaa mahad leh Madaxa guud ee Arimaha labada Masjid-Xaraam, Sheekh DR: C/raxmaan C/casiis Sudaysi, adeega wanaagsan ee uu ka hayo labada xaram, iyo taakulaynta aanan kala go'a lahayn ee uu siiyo Hay'ada wanaag farista iyo xumaan reebista ee ka tirsan wakaalada arimaha guud ee Masjidka Nabawiga S.C.W.Allaha ka abaal mariyo abaalmarinta teeda khayrka leh, hana waafajiyo iyaga iyo anagaba inaan shaqaale u noqono diinta islaamka iyo muslimiintaba. Naxariista iyo nabad galyada Illahey ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa iyo ehelkiisa iyo saxaabadiisa dhamaanba.Cali Bin Saalax AlmuxaysiniMaamulaha Hay'ada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Qaybta Arimaha Masjidka Nabiga. HORDHACWaxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba, Dad iyo Duunyaba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro).Ilaahay ayaa mahad leh, Caalamka Rabigood ah, Naxariis iyo Nabad galayana ha ahooto korka Nabigeena Muxamed Amiin ah, iyo Ehelkiisa, Saxaabtiisi lahaa sumada quruxeed.Intaa kadib: Walaalkayga soo booqday Masjidkanow Al-Salaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu (nabadgalyada Illaahey, maxariistisa iyo barakadiisu dushada ha ahaate) kusoo dhawow si laab furan Magaaladii Rasuulka scw.Walaalkayga soo Booqdayow: Um mahad naq Ilaahay isaga kor ahaadeye inuu ku siiay caafimaadka iyo deeqsinimada, kuna waafajiyay inaad timaado magaaladii Rasuulka scw. Haduu Illaahey isaga xuman ka nasahane ku siiyey fursadan, ogow in aysan awood u helin fursadan in badan oo dadka ka mid ahu iyagoo jeclaa kuna dadaalayay.Hadaba marka aad soo gaadho Madiina Munawara waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku dhaqanto aadaab iyo asluub, taasi oo uu dhiiri galiyay Nabiga -hanuunku, scw. aadaabtan oo lanaga rabo qofkasta oo muslim ah meel walba oo uu jooga, Madiina (magaaladi) Mustafana (scw) ay kusii haboon tahay inuu ku dhaqmo, tan oo uu dalbey Nabigu scw.ﷻ‬ mahadnaq Illaahay isaga kor ahaadeye kuna soo waafajiyay inaad soo booqato Masjidka Nabiga scw, Masjidkan oo ah mid kamida sadexda Masaajid ee ugu fadliga badan, Waxa uu yidhi Nabigu scw ( Ha u dadaalin safar waxa aan ka ahayn sadex Masjid: Masjidka Xarramka(kacbada), Masjidkaygan(madiina) iyo Masjidka Al-aqsa(qudus). xadiiska waxa wariyay Bukhaari iyo Muslim Illaah ha u naxariiste.ﷻ‬ mahad celi Ilaahay isaga wax walba ka koreye, uguna mahad celi inuu ku waafajiyay Booqashadaadan Masjidka aad ku timiday adigo soo booqanaya Qabriga Nabi Muxamed, scw. Waxaana waajib kugu ah inaad raacdo dariiqa toosan ee Nabigu umadiisa u jideeyay, kuwii naga horeyey ee wanaagsanaana ay mareen Illaah ha u naxariiste.Walaalkayga qiimaha leh ee masjidkan soo booqdayow: Marka aad doonto inaad timaado Masjidka Nabiga scw. waa inaad isa soo Nadiifisaa, soo dahaaro qaadato, soo udug sato (cadar iyo uunsi marsata), kana fogeysa urta qurmuun masjidka, Marka aad galayso masjidkana horaysiisaa lugtaada midig adiga oo dhahaya:(BISMILLAAHI WA AS-SALAATU WA AS-SALAAMU CALAA RASUULI ALLAAHI, ALLAAHUMA IQFIR LII DUNUUBII, WAFTAX LII ABWAABA RAXMATIKA, ACUUDU BILLAAHI ALCADIIM WA BI WAJHIHII ALKARIIM WA SULDAANIHII ALQADIIM MINA SHAYDAANI AR-RAJIIM) ducadan oo macnahedu yahay (Waxan ku bilaabey magaca Illahey, Waxey nabad galyo iyo naxariis korkiisa ahaatey Rasuulkii(scw) Illaahey, Illaahayow iiga dambi dhaaf dambiyadeyda, iina fur albaabada naxariistada, waxan magan galaya Illaaha awoodu u sugnaatey ee leh wajiga qiimihiisa aan lasoo koobi karin iyo amar bixintiisa qotada dheer ee jiraga ah, waxan ka magan galaya Shaydanka rajiimka.Dabadeed u dhaqaaq dhanka RAWDADA SHARIIFTA, kuna tuko labo rakcadood - hadii ay kuu suurto gasho- hadiise uu jiro ciriiri fara badana ku tuko meeshii kale ee masjidka kaaga suurtowda, kana fogow mar walba inaad cidhiidhi ku samayso muslimiinta ama aad dhibto ama ay ku dhibsadan arintan oo ah mid aan bananeyn, adiga oo u yimid Masjidka Nabiga inad ajar hesho, iska ilaali in dambi kaa raaco.Intaa ka dib u bax dhanka Qabriga Nabiga scw, si aadaab iyo daganaansho iyo xasi looni leh, hadii uu jiro ciriiri, ka fogow inaad ciriiridso, riixdo dadka kale, dib u dhigo, raadsona wakhti kale oo ku haboon inaad soo salaanto oo ciriiriga dadku yar yahay, iska ilaali in aaney noqon booqashada qabriga Nabigu scw wakhtiyada Salaadaha waajibka kadib, waayo waxa badan yahay ciriirigu wakhtiyadan, Codkaaga kor ha u qaadin, midaas wuu inaga reebay Ilaahay sw, isaga oo leh:(Kuwa xaqa rumeeyow ha ka kor yeelina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina, murmina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qaylyo, murmo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon ogayn),(kuwa codkooda hoos u dhiga Rasuulka agtiisa kuwaasi waa kuwo Eebe imtixaanay quluubtooda dhawrsasho darteed, waxayna mudanyihiin dambi dhaaf iyo ajri wayn),Suurada Alxujuraat, (aayadaha 2,3)Imaam ibnu Kathiir wuxuu ku yidhi tafsiirkiisa:Waa karaahiyo ah oo reeban in codka kor loo qaado Qabriga nabiga SCW agtiisa, sida ay karaahiyo uga ahayd agtiisa markuu noolaaba, maxaa yeelay wuxuu mudan yahay marwalba ixtiraam isaga oo nool iyo dhimashadiisa kadiba scw.Cumar bin Khadaab- Allaha ka raali noqdee- ayaa ka dhex maqlay Masjidka Nabiga scw laba nin oo qaylinaya (murmaya) oo kor codkooda u qaadey, wuxuu ku yiri: yaad tihin? halkeedse ka timaadeen? waxay yiraahdeen: Waxan nahay Reer Daa'if, wuxuu ku yidhi: hadii aad ahaan lahaydeen dadkii halkan daganaa waan idin garaaci lahaa idinka oosaas uga dhex qaylinaya oo kor u qaadaya codkiina Masjidka Rasuulka scw dhexdiisa.Waxa wariyay Imam Bukhaari -Allaha u naxariistee-Marka aad gaadho Qabriga Nabiga scw hortiisa, istaag si daganaasho iyo xasilooni leh kuna salaam sidan:As-salaamu Calayka Yaa Rasuula Allaah Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu (Nabad galyada Illaahey iyo Ramadiisa iyo Barakadisu kor kaaga ha ahaato Rasuulkii Illaahayow),As-salaamu Calayka Yaa Nabiya Allaahi (Nabadgalyo kor kaaga ha ahaato Nabigii Illaahayow),As-salaamu Calayka Yaa khiirata Laah min Khalqihii (Nabadgalyo korkaaga ha ahaato mid kuu Illaah ka doortay inta uu abuurey scw),As-salaamu Calayka Yaa Sayyid Almursaliin Wa Imaamu Almutaqiin (Nabad galyo korkaaga ha ahaato midka hogaaminaya Rususha lasoo direyow ahna hogaamiyaha kuwa Illaah ka baqa)Waxa aan Qirayaa inaad gaadhsiisay Risaaladii, gudatayna amaanadii, umadana aad u nasteexaysay ood xaqa u sheegtey, una jihaaday jidka ilaahay, Allaha kugu jasaa'i siiyo waxa ugu wanaagsan ee lagaga abaal mariyo Nabi umadiisa(Allaahuma salli calaa Muxammed wa calaa Aali Muxamed kamaa salayta calaa Ibraahiim wa calaa Aali ibraahiim inaka Xamiidu Majiidu, wa baarik calaa Muxammed wa calaa Aali Muxammed kamaa baarakta calaa Ibraahiim wa calaa Aali ibraahiim inaka Xamiidu Majiidu). (Illaahow u nabad yeel oo wanaaji Maxamed scw iyo inta qaraabada u ah ee aamintay sidaad u nabad yeeshay una wanaajisay Ibraahim scw iyo inta qaraabada u aheyd ee rumeysay Adigu waxad taxay mid mahad u leh awoodweyna uleh, Illaahow Barake Maxamed scw iyo inta qaraabada u ah ee rumeysay, sidaad u barakeysey Ibraahim scw iyo inta qarabada u aheyd ee rumeysay adigu Illaaaheyow waxad tahay mid mahad leh oo awoodweyna u leh)Waxa kale oo kuu banaan inaad ku salaanto, salaamaha kale ee ku banaan sharciga, halkan u jeedadu waxa weeyi hadii aanad luqada carabiga ku odhan karin salaanta, waxad ku odhaneysa afkaga hooyo adigoo ku ilaalinaya sida shareecadu qabto ee diinta ku sugan.dabadeed u dhaqaaq waxyar dhinaca midigtaada si aad u salaanto Khaliifkii Rasuulka scw, Abuubakar Sidiiq- Allaha ka raali noqdee- oo dheh:As-salaamu Calayka Yaa Abaa Bakar As-sidiiq Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu, As-salaamu calayka yaa Khaliifata Rasuuli Allaahi scw, midkii labaynayay maalintii godka, Allaha kaa abaal mariyo anaga iyo Islaamka iyo Muslimiinta abaal marin kheyr badan. waxaa kale oo lagu salaami karaa salaamaha kale ee sharcigu baneeyay.dabadeed u dhaqaaq waxyar dhanka midigtaada si aad u salaanto Amiirkii Mu'miniinta Cumar bin Khadaab- Allaha ka raali noqdee, adiga oo dhahaya:As-salaamu Calayka Yaa Cumar Alfaaruuq Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu, As-salaamu calayka Khaliifkii labaad ee khulafada Raashidiintow, Allaha kaa abaal mariyo anaga iyo Islaamka iyo Muslimiinta abaal marin kheyr badan. waxaa kale oo lagu salaami karaa salaamaha kale ee sharcigu baneeyay.Sidaas ayay ku dhamaystiran tahay Siyaaradii ama Booqashadaadii Masjidka Nabiga scw, iyo qabrigiisa iyo qabriga labadiisa khaliifba - Allaha ka raali noqdee-Walaalkayga soo booqdayow Masjidka Nabawiga scw hadii aad rabto inaad ducaysato, waa inaad u jeedsataa dhanka Qiblada, goob walba oo aad ka joogto Masjidka Nabiga scw, iyo goor walba oo aad joogto haben iyo maalinba, waxaana haboon inaad raadsato meelaha cidhiidhgu ku yar yahay, taasi ayaa u xasilan nafta iyo qalbiga lehna xasilooni dagan.Ilaahayna waydiiso una waydii walaalahaaga muslimiinta ah Khayrka Aduun iyo Aakhiraba.Kana digtoonow walaalkayga sharafta lahow inaad xadgudub ku samayso ducadaada, sida: in aad barido cid kale oo aan Ilaahay ahayn, gargaarna waydiisato, midaas waxay ka hor imanaysaa amarkii Ilaahay -kor ahaaye- iyo kii Rasuulkaba scw, hadaad cid aan Illaah aheyn aad magacowdo ood ku duceysato waxay kugu ridaysaa Shirki (Illaah oo aad cid kale wax la wadaajiso); Illaah ayaa naga rebey inan barino cidan isaga aheyn, Ilaahay ayaa quraankiisa ku yidhi:(Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale),Suurada Aljin, Aayada 18.Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri:(Hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadeydu xagayga aniga waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u horu kac u gaadhan).Suurada Albaqarah, Aayada 186 aad.Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri:(Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn, u jawaabeyn) tan iyo maalinta qiyaamaha, kuwan oo baryadoodana halmaansan (ogyn)).Suurada Alaxqaaf, Aayada 5aadXadiis Ibnu Cabaas- Allaha ka raali noqdee- ka sheegay Nabiga scw inuu yidhi:(Hadii aad waydiisanayso Ilaahay waydiiso, Hadii aad kaalmo rabto Ilaahay kaalmayso)Waxa wariyay Imam At-tirmidi -Allaha u naxariistee-Waxaad tidhaahdaa:(Allaahuma Shaffic fii nabiyika walaa taxarimnii shafaacata Nabiyika scw), kuna bari Illaahay isaga xuman ka nasihane jacaylka aad jeceshahay Nabigiisa scw iyo raacida sunadiisa iyo camaladaada wanaagsan.Ogow walaalkayga booqdaha ahow in booqashadaadani iyo dariiqadan aad u duceysaneysa iney tahay hanoonkii Salafka Saalixa (kuwii naga horeyey ee raacey dariiqi Rasuulka ee saxda ahaa) Allaha u naxariistee-, MEELAHA LA OGOL YAHAY IN LA BOOQDOMADIINA MUNAWARA EE KA BAXSAN MASJIDKA NABIGA SCW1-Baqiic: Waa Xabaalaha ay ku aasan yihiin in badan oo Saxaabadii, Taabiciyiintii iyo Salafkii hore ah, Rasuulkuna scw wuu soo booqan jiray wuuna salaami jiray dadka meeshaas ku duugan una ducayn jirayMarka hadaad tago Baqiic, waad salaameysaa adiga oo odhanaya sidii Nabigeenu scw odhan jiray:(Ass-salaamu Calaykum Ahla Ad-diyyaar minal Muminiina wa Muslimiina, Wa inaa insha Allaah lAllaaxiquun, As Alullaaha Lanaa wa Lakum Alcaafiya) oo macnaheedu yahay: Salaan korkiina ha ahaato dadkan halkan ahaadow ee Muminiinta iyo muslimiinta ahow, anaguna waan idin soo haleeli doonaa (idinka daba iman doonaa), waxaan Illaahay inoo waydiinaynaa anaga iyo idinkaba in uu na caafiyo(saamaxo).Waxa wariyay Imam Muslim -Allaha u naxariistee-ﷻ‬ ducee oo danbi dhaaf u waydii llaahay, Waa midaas mida la Baneeyaykana digtoonow Walaalka muslimka ahow inaad ku dul istaagto Qabri ama aad ku fadhiisato, Nabiga scw waxa ka soo arooray inuu arintaas reebay isaga oo leh:(Ha u tukanina xaga Xabaalaha, hana ku dul fadhiisanina)Waxa wariyay Imam Muslim -Allaha u naxariistee-Ka digtoonow inaad isku masaxdo Xabaalaha oo aad dhunkato, ama ciidooda (cardooda) aad qaatado, ama aad barido kuwa dhintay kuwani awood uma laha iney ku dhibaateyan ama wax ku taran (kuwanu waxba kuuma qaban karan adiga, waxey kaga baahan yihiin inaad adigu u duceyso, iska ilaali inaad qof dhintey kaalmo weydiisato waa shirki).2- Shuhadada dagaalkii Uxud: Dagaalkaas Uxud wuxuu dhex maray Muslimiinta iyo gaalada, waxa ku shahiiday (waxa Illaah doortey) 70 Saxaabada ah, Nabiguna scw wuu soo booqan jiray Xabaalahooda una ducayn jiray. Ogowna in la dilay iyaga oo difaacaya Diinta, xaqna ay inoogu leeyihiin inaan u ducayno oo aan raali ka noqono dhamaantood. Marka aad soo booqato ku bilow mid la mida Salaantii Xabaalaha Baqiic oo ah mida lagu salaamo Xabaalaha muslimiinta dhamaan.3- Masjid Qubaa: Nabigu scw waxa uu tagi jiray Todobaad walba mar masjidkaas isaga oo korsan dabadiisi ama u lugeny jirey, wuuna kusoo tukan jiray. Ruuxa taga ee kusoo tukada waxa uu la mid yahay Ajrigiisu ajarka Cumrada, Nabiga scw ayaa yidhi:(Ruuxa ku daahirsada Gurigiisa dabadeedna yimaada Masjidka Qubaa ee ku tukada dhexdiisa, wuxuu leeyahay Ajarkii Cumrada oo kale)Waxa wariyay Imam Ibnu Maajah-Allaha u naxariistee-ha dayicin fursadaas iyo khayrkaas wayn walaalkayga muslimka ahow. BARAARUJIN IYO TOOSIN KU SOCOTA BOOQDAHA MASJIKA NABIGA SCWWalaalkayga qiimaha leh ee soo Booqday Masjidkow:* Ku dadaal adkaarta (ducooyinka) ku soo aroortay galida Masajidada marka aad galayso ama ka baxayso Masjidka Nabiga scw, iyo masaajidada kaleba.* Dhabarkaaga ha foorarin marka aad Salaamayso Rasuulka scw, una istaag si ay ku jirto daganaansho iyo xasilooni edeb leh.* Ha isku masaxin gidaarada, tiirasha iyo albaabada Masjidka Nabiga swc, ama Dariishadaha, Minbarada, adiga oo is leh ka hel Barako, arimahaasi ma banaana.Wuxuu ku yidhi Imam An-Nawawi-Allaha u naxariistee- kitaabkiisa Almajmuuc (8/257) isagoo ka hadlaya in gacanta lagu masaxdo Qabriga Nabiga swc: (Ruuxa moodaya in gacanta oo qabriga lagu masaxdo Barako badan tahay waa Jaahilnimo iyo Qaflad(war moog la'aan), Maxaa yeelay Barakadu waa wixii waafaqsan Sharciga Illaahay- koreeye-, kumana imanayso in la khilaafo amarkiisa).Ogow Walaalkayga Booqanayow, in booqashadaadu lahayn wakhti go'an: ha gaabnaado ama ha dheeraadee, aney leheyna salaado tiro go'an leh ha yarato ama ha badnate, waxaana ka mida qaladaadka ka dhaca dadka soo booqanaya Masjidka Nabiga scw inay u maleeyaan in ay waajib tahay in ay ku tukadaan masjidka salaado tiro go'an leh afartan iyo wax la mid ah, taasina ay ku keento culays uu isa saaro isaga iyo dadka la socdaba tan oo aanu Illaahay ku kalifin, tan oo qalad ah; mana jirto wax ka sugnaaday Nabiga scw oo tiro go'an ah oo ku waajibinaya qofka soo booqda masjidkiisa inuu tukado salad tiro ah, waxaad ku tukan wixii aad awoodo kolba inta ay fursadaadu ku siiso ha yaraato hase badnate.Xadiiskan kusoo arooray in lagu tukado afartan salaadood ee ku sugan kitaabka Musnadka imaam Axmed uu ka wariyay Anas binu maalik-Allaha ka raali noqdee- Nabiga salallaahu calayhi wasalam:(Ruuxa ku tukada Masjidkaygan afartan salaadood, oo midna dhaafayn, waxaa loo qoraa badbaado naarta ah, cadaabta oo uu ka badbaado, iyo badbaado munaafaqnimo).Xadiiskaas waa daciif.xadiiska uu soo saaray imaam Tirmidi kana warinayo Nabiga scw inuu yiri:(Ruuxa la tukada Jamaacada Afartan maalmood, ee haleela Takbiirada xidhashada, waxaa loo qoraa labo badbaado: Badbaado naarta ah, iyo badbaado munaafaqnimo ah), xadiiskanu waxa uu ka hadlaya inuu qofku meel kasta oo uu joogo salada jamacada la tukado, haduu markaa afartan maalmood saladisa jamaca la tukado ayuu bad baadadan helaya.Xadiiskanu waa sax inuu Nabiga scw kasoo arooray.sidaa darteed waxa aan kuu dardaarayaa walalka booqdaha ahow inaad ku dadaasho helitaanka badbaadadaas, joog Madiina ama wadankaagee.*Sida asalka ah Qofka ducaysanayaa wuxuu u jeestaa dhanka qiblada, waxase dhacda in dadka qaar u jeedsataan jiho kale iyagoo gacmaha kor u qaadaya oo baryaya Illaahey isaga awood lehe oo kor ahaadeye kuwan oo iyagu u jeeda wajigoogu dhanka qabriga Nabiga sharafta leh scw, arintaasina maaha mid ay samayn jireen dadkii hore ee diinta na soo gaadh siiyey ee iyagu cilmiga lahaa ee umada ka mid ahaa, ka digtoonow walaalkayow ficilada(arimaha) noocaas ah, kuna dhaqan wixii ay ku dhaqmeen Saxaabadii (kuwii Rasuulka scw la joogey wakhtigisi) iyo kuwii la kulmey kuwaa ee jid kooda raacey iyo kuwii wanaagsana ee mu'miniinta hore ahaa, oo raac, ducadana qiblada ula jeeso.* Ma banaana in waraaqo duco lagu qoray la dul dhigo dariishada qabriga Nabiga scw, iyo Rawadada, ama meel kaleba oo masjidka ka mida, mana haboona in warqada laga soo qaado dad kale ama wadamo si loo keeno Masjidka Nabiga scw.* Ma banaana in lagu dawaafo (wareego) Qabriga Nabiga scw, Dawaafku (wareegu) waa cibaado Alle inagu amray in lagu sameeyo kacbada oo kaliya* Ku dadaal walalkayga Soo booqday Masjidkan inaad joogitaankaaga Madiina kasii qaadato sahay dhanka iimaanka ah, kuna dadaasho ku tukashada salaadaha Faralka masjidka Nabiga scw, waliba Rawdada-shariifka dhexdeeda haday kuu fududaato taasi, maxaa yeelay waxaa ka sugnaaday Nabiga scw inuu yidhi:(Inta u dhaxaysa Gurigayga iyo Minbarkayga waxa ah Beer beeraha Janada kamida). Waa Rawdada.waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim - Allaha u naxariisto labadoodabee-* Xadiiskaas wuxuu ku tusayaa fadliga ay leedahay Rawdadu, ee ku dadaal inaad ku dhex cibaadaysato, quraanka ku akhrido, adiga oo aan ku samaynayn dadka kalena ciriiri ama dhibaato, midka isagu ka fogaada shay Illaah dartii isaga oo ka baqaya inuu dadka muslimiinta dhib u geysan, Illaah baa ugu bedeli wax ka khayr badan.Inse Salaadaha faralka lagu takado safafka hore (raga) ayaa fadli leh sida uu Rasuulku scw yidhi:(Safafka midka ugu khayr badan dhanka raga waa midka u horeeya, midka u shar badana waa midka u danbeeya)Waxa wariyay Imam Muslim -Allaha u naxariistee-Iyo hadalkiisa Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee:(Hadii ay dadku ogaan lahaayeen waxa ku jira(Ajar) Adinka iyo safka hore, oo ayna helayn inay u qori tuurtaan mooyee way samayn lahaayeen qori tuurasho).waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim - Allaha u naxariisto labadoodabee-Macnaha (qori tuurkuna) waa u tartamidOgowna in Salaada kaliya ee lagu tukado Masjidka Nabiga scw ay ka fadli badan tahay kun salaadood oo masjid kale ah, Marka laga reebo Masjidka Xaramka kacbada oo salaadiisa kaliya u dhiganto boqol kun oo salaadood, waa siduu yidhi Nabigu scw:(Salaada masjidkaygu waxay ka fadli badan tahay kun salaadood oo masaajidada kale ah, marka laga reebo Masjidka xaramka, Salaada Masjidka xaramkuna waxay ka fadli badan tahay boqol kun salaadaha masaajidada kale).Waxa wariyay Inb Maajah iyo Axmed- Allaha u naxariistee-.Ku dadaal akhriska Quraanka, digriga Illaahay, mahadnaqiisa, sadaqad lala baxo iyo inaad ku dhex ictikaafto(u hooyato masjidka adigoo cibaadeysanaya) masjidka Nabiga inta aad u helayso fursadba.* Hadii aad u baahato wax su'aala dhanka diintana waydii culimada iyo macalimiinta joogta Masjidka Nabiga, Illaahay ayaa yidhi:{Waydiiya dadka Ehlu (aqoon cilmi diined leh) cilmiga hadii aydaan aqoon}Suurada Al anbiyaa, (aayada 7aad).{Waydiiya dadka Ehlu (aqoon cilmi diined leh) cilmiga hadii aydaan aqoon}Suurada Al anbiyaa, (aayada 7aad).* Waxa kale oo aad helaysaa telfoono ku yaala albaabada masjidka iyo meelo kale oo ka mid ah masjidka oo hoos yimada maamulka masjidka oo loogu talagaley cidii su'aal qabta iney isticmalan, kuwan oo aad su'aashada weydin kana heli jawaabta aad u baahan tahay arimaha diinta ku saabsan dhamantood hadey tahay siyaaradada, cumradada iyo xajkagaba.* Ku dadaal inaad ka qayb gasho Casharada iyo duruusta cilmiga ee culimadu ka akhriyayaan masjidka, si aad ugu dhaqanto odhaahda Nabiga scw:(Ruuxa yimaada Masjidkaygan ee aan u iman ilaa inuu khayr baranayo ama uu barayo, wuxuu la mid yahay martabada Mujaahid Illaahay dartii u dagaalamaya. Ruuxase u yimaada wax taas ka duwan wuxuu la martabad yahay ruux indhaha u taagaya alaab(wax qof kale lee yahay) cid kale leedahay).waxa wariyay Imaamyada: Ibnu Maajah, Axmed, Alxaakim- Allaha u naxariisto dhamaantoodba-(Ruuxa yimaada Masjidkaygan ee aan u iman ilaa inuu khayr baranayo ama uu barayo, wuxuu la mid yahay martabada Mujaahid Illaahay dartii u dagaalamaya. Ruuxase u yimaada wax taas ka duwan wuxuu la martabad yahay ruux indhaha u taagaya alaab(wax qof kale lee yahay) cid kale leedahay).waxa wariyay Imaamyada: Ibnu Maajah, Axmed, Alxaakim- Allaha u naxariisto dhamaantoodba-Ha ilaawin walaakeyga cilmiga doonayow inaad booqato hadii aad hesho fursad aad ku soo booqato Maktabada Masjidka Nabiga scw, way haboon tahay, waxayna ku taalaa fooqa sare ee dhanka galbeed ee masjidka, marka aad tagaysana adeegso wiishka (elevator) numberkiisu yahay 10, waxad ka heli wax ku anfaca.Hadii aad jeceshay inaad aragto Qoraalada kutubtii hore, soo booqo qaybta lagu kaydiyo ee ku taala dhanka Albaabka Cusmaan bin Cafaan-Allaha ka raali noqdee- tan oo oo ah kordhimihii u dambeyey dowlada sacuudigu kordhiyay masjidka Nabiga scw.Sidoo kale waxaa ku yaala Irrida Cumar bin Khadaab (No:17aad) qayb ah maamulka Studio (cod duubta Duruusta iyo Khudbadaha iyo Salaadaha Masjidka) adegan oo uu sahley u adeegihii Masjidka xaramka iyo masjidka Nabiga scw, boqor Fahad Allah ha u naxariiste, waxaana loo siiyaa hadyad ahaan dadka soo booqda, hadii aad u dhiibato wax yaalaha wax lagu duubo sida cajald iyo wax kasta oo wax laguugu dubi karo sida (flash, memory card, harddisk) waxa kale oo ku yaala Irrida No:24 iyo 16aad qaybta haweenku ku tukadaan, Maktabad u gaara haweenka iyo mid ah studio(coded) irrida 28aad.* Hore u soco oo buuxi safba safka uu ka horeeyo, hana fadhiisan meelaha irridaha laga baxo ama laga galo iyo jaranjarada, maxaa yeelay waxaad xidhaysa irridii laga gali lahaa masjidka, dadkuna banaanka ayay ku tukanayaan iyadoo masjidkii wali buuxsamin.kuna dadaal adiga iyo walaalaha kale inaad isku xidhaan safafka iskuna dhawaataan, si ay u noqdaan safaf dhamaystiran, masjidkuna u qaadi karo dad badan, oo ay dadku gudaha ku tukadan.kuna dadaal adiga iyo walaalaha kale inaad isku xidhaan safafka iskuna dhawaataan, si ay u noqdaan safaf dhamaystiran, masjidkuna u qaadi karo dad badan, oo ay dadku gudaha ku tukadan.Hadii aad u baahato inaad ku tukato safafka hore ama Rawdada, waa inaad hore u soo xaadirto masjidka, mana haboona inaad ka timaado gadaal ood dadka ka soo dul talaabsato ama kuwa tukanaya aad soo hor marto ood ciriirido dadka tukanaya dhibna aad ugeysato, dhibaateynta muslimintuna ma banaana.Nabiga scw ayaa arkay maalin jimce ah nin ka dul taltalaabsanaya dadka, si uu ugu tukado safka hore, isaga oo ka khudbadaynaya minbarka dushiisa, inta uu khudbadii joojiyay Nabigu-scw, ayuu ku yidhi ninkii:(Fariiso waad dhibtay, ood habsaantee).Waxa wariyay Inb Maajah iyo Axmed- Allaha u naxariistee-(Fariiso waad dhibtay, ood habsaantee).Waxa wariyay Inb Maajah iyo Axmed- Allaha u naxariistee-macnaha oo ah waad dhibtey dadka sidaad uga dul talaabsanayso korkooda, waanad soo daahdey, hadii aad rabtay inaad xaga hore fariisatana waa inaad hore u timaadid oo aanad soo daahin,* Ha marin dadka tukanaya hortooda, waxa nabiga scw, laga wariyay inuu yidhi:(haduu ogaan lahaa ruuxa hor maraya midka tukanaya danbiga ugu sugan hormarkaas, waxa uga khayr badnaan lahaa inuu meeshaas taagnaado Afartan)Abu Nadri wuxu yidhi: ma ogi ma Afartan maalmoodbaa, mise bilood, mise sanadod.Waxa wariyay Imam Bukhaari -Allaha u naxariistee-.Wuxuu yiri imaam Inbu Xajar-Allaha u naxariistee- kitaabkiisa Fatxi baariga (1585):Macanaha oo ah odhaahda :(inuu taagnaado afartan) waa haduu ogaan lahaa danbiga wayn ee ku jira ruuxa hor maraya mid kale oo tukanaya wuxuu ka doorbidi lahaa inuu halkaas taagnaado si uu uga badbaado danbigaas.(haduu ogaan lahaa ruuxa hor maraya midka tukanaya danbiga ugu sugan hormarkaas, waxa uga khayr badnaan lahaa inuu meeshaas taagnaado Afartan)Abu Nadri wuxu yidhi: ma ogi ma Afartan maalmoodbaa, mise bilood, mise sanadod.Waxa wariyay Imam Bukhaari -Allaha u naxariistee-.Wuxuu yiri imaam Inbu Xajar-Allaha u naxariistee- kitaabkiisa Fatxi baariga (1585):Macanaha oo ah odhaahda :(inuu taagnaado afartan) waa haduu ogaan lahaa danbiga wayn ee ku jira ruuxa hor maraya mid kale oo tukanaya wuxuu ka doorbidi lahaa inuu halkaas taagnaado si uu uga badbaado danbigaas.* Ku dadaal walaalka Soo booqdaha ahow nadaafada, jidhkaaga, dharkaaga, oo isticmaal waxyaabaha ku carfinaya, Maxaa yeelay? way dhibtaa Malaa'ikta wixii dhiba aadamaha.* Ku dadaal ilaalinta nadaafada Masjidka, hana ku dhibin walaalahaaga kale muslimiinta inaad candhuuf ku tufto ama ku diifsato masjidka dhexdiisa ama banaankiisa, ama tiirasha iyo meelaha kale ee lagu cibaadaysto, waxa kuu sugnatey inaad ogato qiimaha Masjidka, ogowna in candhuuf lagu tufo masjidka tahay qalad, sida laga wariyay Nabiga scw, inuu yiri:(Candhuuf-tufka masjidku waa gaf, waxaana lagu dhaafaa inaaddabosho, tirto).waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim - Allaha u naxariisto labadoodabee-(Candhuuf-tufka masjidku waa gaf, waxaana lagu dhaafaa inaaddabosho, tirto).waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim - Allaha u naxariisto labadoodabee-* Ka digtoonow in Ubadkaagu ku ciyaaraan masjidka, oo ay ku buuqaan, arintaasi waxay ka hor imanaysaa Aadaabta Masjidka Nabiga scw,* Ka fogow meelaha ciriiriga badan ah tagna meelaha dadku ku yar yahay een ciriiri aheyn, ogowna in fadliga salaada ajarkeda ah in aad ku helayso meel walba oo masjidka ka mida.* Walaalka booqdaha ahow: Marka aad dhamaysato salaadada ku nagow fadhiga, adiga oo akhrinaya digriga soo arooray salaada ka dib, hana ku dagdagin tukashada salada Sunada ah inaad tukatid salaada waajibka (friida) kadib adiga oo aan wakhti u dhexeysiin (yara sug oo duceyso kadibna tuko), si aad fursad u siiso dadka hore u baxaya ee leh cudurdaar ama aanad u ciriirin kuwa naafada ah, tan oo ah ka ilaalin in dadku dhib ku dhacan oo ay hor maran qof tukanay.* Walaalka booqdaha ahow, waa inaad ku dadaasho daganaansho, oo aanad ordin marka la furayo Rawdada ee daaha dumarka loo xidhey si ay markooda u tukadan laga qaadayo, sida dadka qaar sameeyaan.* Lagama saari karo Musxafyada (kutubta) quraanka Masjidka, maxaa yeelay waa waqfi, waxana loogu talagaley in dadku ku dhex akhristan.* Ha ku tiirsan armaajooyinka Musxafyada, kabahana ha dul saarin, korkoodana ha ka talaabsan,adiga oo ixtiraamaya Kitaabka Ilaahay sw.* Waa inaad hubisataa meesha aad dhigayso kabaha si ayna kaaga lumin.Dhamaan armaajooyinka lagu rito kabaha waxaa ku qoran nambaro, hubso midka aad ku ridato nambarkiisa, si aad ugusoo noqoto kabahaga si dhib yar oo fudud.Dhamaan armaajooyinka lagu rito kabaha waxaa ku qoran nambaro, hubso midka aad ku ridato nambarkiisa, si aad ugusoo noqoto kabahaga si dhib yar oo fudud.* Ogow walalka soo booqdaha ahow in masjidkan iyo masaajidada kaleba loogu talo galay cibaadada Illaahay, ha u isticmaalin meel aad seexato ama laga tuugsado ama aad ka bafiso wax kaa lumey .* Ha u adeegsan caagadaha biyaha samsamka ee yaala masjidka kuwo aad ku wayso qaadato hana ka dhigan sijaadadaha Masjidka go' aad isku daboosho.* Ka fogow inaad gogol dhex dhigato banaanka masjidkana.* Waxaa ka mamnuuc ah masjidka Nabiga scw banaankiisa in lagu cabo sigaar, waana in qofku ka ducaysto inuu Ilaahay ka daweeyo balada, Ogowna in Ehlu cilmigu cadeeyeen inuu yahay xaaraan iib kiisa iyo cabidiisa, qofka cabana uu ku dambaabayo ee ka digtoonow maadaama aad u timiday inaad khayr soo biirsato.* Albaabada masjidku dhamaan waxay leeyihiin magac iyo nambaro, mar walba lasoco albaabka aad ka gasho, si aanad u dhumin markad ka baxeysid Masjidka.* Marka aad ku aragto albaabada ciriiri iyo is riixriix, waxaa haboon inaad iska sugto inta uu dhamaanayo ciriirigaas ee lakala fududanayo.* Ha hilmaamin marka aad baxayso inaad hor mariso lugtaada bidix, adoo akhrinaya ducada lagaga baxo Masaajida:(BISMILAAH ALLAAHUMA SALI WA SALIM CALAA MUXAMED, ALLAAHUMA IQFIR LII DUNUUBII, WAFTAX LII ABWAABA FADLIKA), oo macnaheedu yahay: Bisinka ilaahay ayaan ku baxayaa, Allahayow naxariis iyo nabad galyo sii Nabi Muxamed, Illaahow ii danbi dhaaf iina fur albaabada Fadligaaga.waxa wariyay imaamyada: At-tirmidi, ibnu maajah, Axmed. waana xadiis markhaati ku leh saxiixia Imam muslim, Allaha u naxariisto dhamaantood(BISMILAAH ALLAAHUMA SALI WA SALIM CALAA MUXAMED, ALLAAHUMA IQFIR LII DUNUUBII, WAFTAX LII ABWAABA FADLIKA), oo macnaheedu yahay: Bisinka ilaahay ayaan ku baxayaa, Allahayow naxariis iyo nabad galyo sii Nabi Muxamed, Illaahow ii danbi dhaaf iina fur albaabada Fadligaaga.waxa wariyay imaamyada: At-tirmidi, ibnu maajah, Axmed. waana xadiis markhaati ku leh saxiixia Imam muslim, Allaha u naxariisto dhamaantood* Waxaan kuugu nasteexaynayaa inaad mar walba qaadato cinwaanka kaadhka meesha aad dagan tahay, si hadaad dhunto usoo tilmaamsato.* Hadii aad kula kulanto qof xanuunsan Masjidka Nabiga scw dhexdiisa, waa inaad gaadhsiisaa ood u sheegta shaqaalaha taagan Albaabada ama masjidka dhexdiisa ama qof kasta oo ka sheqeya Masjidka oo iyagu sita telefonada bilaa xadhiga ah ee lagu wada hadlo.* Korka sare ee masjidka waxaa la furaa Maalinta Jumcaha, iyo shanta salaadod iyo marka cidhiidhi jiro, sidaa darteed hadii aad ka dareento ciriiri masjidka dhexdiisa isku day inaad u baxdo korka sare, waxad halkaaa ka heli doonta cidhiidhi la'aan hadii Illaah yiraahdo.* Waxaa ugu diyaarsan dadka waawayn ama curyaamiinta gaadhi-gacan Albaabka (no 8), oo ah dhanka galbeed ee masjidka, si ay u adeegsadaan mudada ay joogan.* Ha ku tukan Safafka ku yaala qiblada Masjidka ee ka hor marsan imaamka, marka uu ciriirigu badan yahay, tani waxey ka hor imanaeysa cilmiga diinta aan ku dhaqano, waa inaad imamka ka dambeysa.* Raac oo isku day inad dhageysato talooyinka ay ku siiyaan shaqaalaha Masjidku, waxa ay u joogaan waa siday kuugu adeegi lahaayeene oo aay kugu fudeydin lahaayen booqa shadada.* Ku qaado wakhtigaaga intiisa u badan inaad is hoos dhigto Illaahay ood barido, adiga oo mar walba la imanaya balan qaad aad Illaah la galeyso iyo codsi dambi dhaaf run ah, ogowna xaqiiqda aadaabta Illaahay isaga awood leh oo kor ahaadeye iney tahay jeceylkiisa isaga xumo ka hufnaadeye iyo kor yeelidiisa iyo kali u yeelida caabudida (in aad cabudid isaga oo kaliya), aadaabta Rasuulkiisa scw lagula dhaqmona waa in la raaco sunadiisa iyo dariiqii ay mareen Asxaabtiisu (kuwii la joogey marku noola) kuwan oo iyagu adaabta ilaaliyey kadib markii la oofsaday Rasuulka scw.* Ugu danbayn: Waxaan kuu dardaarayaa walaalka Soo booqdaha ahow inaad badiso Saliga Nabiga scw, waxa laga wariyay Camru ibnu AI-caas- Allaha ka raali noqdee- inuu ka maqlay Rasuulka scw oo leh:(Ruuxa igu saliya(hal mar) Illaahay ayaa xusa toban(mar).Waxaa wariyay Imaam Muslim,iyo imaamyo kale.(Ruuxa igu saliya(hal mar) Illaahay ayaa xusa toban(mar).Waxaa wariyay Imaam Muslim,iyo imaamyo kale.Badi Ducada soo aroortay, isuna dulee Alle, oo magan gal kaligii, meesha aad joogto waa meelihii ducada lagu aqbalayay, hana hilmaamin inaad u ducayso Waalidkaaga, Ehelkaaga, Ubadkaaga, iyo walaalaha kale ee Muslimiinta ahba meel ay joogaanbaWa Sallallaahu Calaa Sayidinaa Muxamed Wa Calaa Aalihii Wa Saxbihii AjmaciinSiyaarada Masjidka Nabiga, Baraarujin iyo tusaalayn ruuxa Soo booqanaya..................................... 1Horudhac................................................................................................................................... 1HORDHAC.................................................................................................................................... 1MEELAHA LA OGOL YAHAY IN LA BOOQDO................................................................................ 3BARAARUJIN IYO TOOSIN KU SOCOTA BOOQDAHA MASJIKA NABIGA SCW............................... 4