الخالق
كلمة (خالق) في اللغة هي اسمُ فاعلٍ من (الخَلْقِ)، وهو يَرجِع إلى...
Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa). (1)
Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan. (11)
Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen. (14)
Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo. (15)
Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala. (16)
Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda. (17)
Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan. (19)
Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. (20)
Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi. (22)
Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale. (23)
Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd. (24)
Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin. (25)
Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay). (26)
Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen. (27)
Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan, (28)
Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali). (29)
waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi (30)
(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray. (31)
Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. (32)
Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). (33)
Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. (34)
Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. (35)
kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. (36)
Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. (37)
(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. (38)
Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. (39)
Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. (40)
Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta. (41)
Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran. (42)
Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. (43)
Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. (44)
Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. (45)
(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah, (46)
Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay. (47)
Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). (48)
Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. (49)
Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). (50)
Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. (51)
Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. (52)
Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. (53)
Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). (54)
Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. (55)
Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. (56)
Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. (57)
Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. (58)
Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin. (59)
Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay. (60)