البروج

تفسير سورة البروج

الترجمة الصومالية

Soomaaliga

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني القرآن الكريم للغة الصومالية ترجمها الشيخ محمد أحمد عبدي عام الطبعة 1412هـ. ملاحظة: ترجمات بعض الآيات (مشار إليها) تم تصويبها بمعرفة مركز رواد الترجمة، مع إتاحة الاطلاع على الترجمة الأصلية لغرض إبداء الرأي والتقييم والتطوير المستمر.

﴿بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ﴾

Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda). (1)

﴿وَالْيَوْمِ الْمَوْعُودِ﴾

Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada). (2)

﴿وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ﴾

Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas. (3)

﴿قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ﴾

Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo). (4)

﴿النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ﴾

Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh. (5)

﴿إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ﴾

Gaaladiina ay korfadiyeen Godka. (6)

﴿وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ﴾

iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah». (7)

﴿وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَنْ يُؤْمِنُوا بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ﴾

Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo. (8)

﴿الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ﴾

Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa. (9)

﴿إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ﴾

Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi. (10)

﴿إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ﴾

Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn. (11)

﴿إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ﴾

Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay. (12)

﴿إِنَّهُ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ﴾

Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin. (13)

﴿وَهُوَ الْغَفُورُ الْوَدُودُ﴾

Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca). (14)

﴿ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ﴾

Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh. (15)

﴿فَعَّالٌ لِمَا يُرِيدُ﴾

Wuuna falaa wuxuu doono. (16)

﴿هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْجُنُودِ﴾

Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii). (17)

﴿فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ﴾

Fircoon iyo Thamuud. (18)

﴿بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي تَكْذِيبٍ﴾

Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa). (19)

﴿وَاللَّهُ مِنْ وَرَائِهِمْ مُحِيطٌ﴾

Eebana waa koobay (kamana baxsadaan). (20)

﴿بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَجِيدٌ﴾

Waase Quraan sharaf leh. (21)

﴿فِي لَوْحٍ مَحْفُوظٍ﴾

Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka). (22)

الترجمات والتفاسير لهذه السورة: