الأعلى

تفسير سورة الأعلى

الترجمة الصومالية

Soomaaliga

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني القرآن الكريم للغة الصومالية ترجمها الشيخ محمد أحمد عبدي عام الطبعة 1412هـ. ملاحظة: ترجمات بعض الآيات (مشار إليها) تم تصويبها بمعرفة مركز رواد الترجمة، مع إتاحة الاطلاع على الترجمة الأصلية لغرض إبداء الرأي والتقييم والتطوير المستمر.

﴿بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ سَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى﴾

Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya. (1)

﴿الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ﴾

Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna. (2)

﴿وَالَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ﴾

Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey. (3)

﴿وَالَّذِي أَخْرَجَ الْمَرْعَىٰ﴾

Eebaha soo bixiya Daaqa. (4)

﴿فَجَعَلَهُ غُثَاءً أَحْوَىٰ﴾

Kana dhiga markaas ka dib caws Engagagan oo Madow. (5)

﴿سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنْسَىٰ﴾

Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid. (6)

﴿إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ﴾

Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. (7)

﴿وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ﴾

Waxaana kuu fududaynaynaa Waddo fiican. (8)

﴿فَذَكِّرْ إِنْ نَفَعَتِ الذِّكْرَىٰ﴾

Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. (9)

﴿سَيَذَّكَّرُ مَنْ يَخْشَىٰ﴾

Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (10)

﴿وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى﴾

Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune. (11)

﴿الَّذِي يَصْلَى النَّارَ الْكُبْرَىٰ﴾

Ee ah mid gali Naar wayn. (12)

﴿ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ﴾

Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn. (13)

﴿قَدْ أَفْلَحَ مَنْ تَزَكَّىٰ﴾

Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda. (14)

﴿وَذَكَرَ اسْمَ رَبِّهِ فَصَلَّىٰ﴾

magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada. (15)

﴿بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا﴾

Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw. (16)

﴿وَالْآخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ﴾

Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi). (17)

﴿إِنَّ هَٰذَا لَفِي الصُّحُفِ الْأُولَىٰ﴾

Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore. (18)

﴿صُحُفِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَىٰ﴾

Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse. (19)

الترجمات والتفاسير لهذه السورة: